309 Views

Dowladda FS oo soo dhoweysay qiimeyntii ugu dambaysay ee IMF

Dowladda FS oo soo dhoweysay qiimeyntii ugu dambaysay ee IMF
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Wasiirka Wasraaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay warbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adda lacagta Adduunka IMF kasoo saartay hannaanka dib u eegista 4-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ay aad usoo dhoweynayaan.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ,Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC, ayuu yiri Wasiirku.

Warbixintan ayuu sheegay Wasiirku in ay muujinayso dedaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo la marayo xilli adag oo uu dalku ku jiro kasoo kabashada abaaraha iyo cunno yarida.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay inay dowladdu ka go’an tahay in ay laba-laabto dedaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro barta kama dambeysta ah ee deyn-cafinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post