1191 Views

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo beeniyay in Ahlusunna ay wadaan abaabul Ciidan oo ka dhan ah Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo beeniyay in Ahlusunna ay wadaan abaabul Ciidan oo ka dhan ah Galmudug.
____________________________________________________________________________

Axad: September 26, 2021

Xili maalmihii la soo dhaafay soo baxayeen warar sheegaya in dagaalyahanada Ahlusunna  ay wadaan abaabul ka dhan ah Galmudug, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Wasiirka warfaafinta Galmudug.

Falagle ayaa beeniyay in Ahlusunna  ay Weerar ku yihiin magaalada Dhuusamareeb oo horay u maamuli jireen.

Axmed Shire Falagle oo ah Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xusay in ay jiraan saraakiil Ahlusunna katirsan oo Galgaduud u jooga arrimo ku saabsan Siyaarada sheikh caan ah, balse wuxuu beeniyay in ay jirto abaabul ciiddan oo ay ku howlan yihiin.

Sidookale Wasiirka ayaa Warbaahinta Madaxa Banaan ee Galmudug ka howlgasha ku eedeeyay iney ka faa’idaysanayaan xorriyada ay haystaan, islamarkaana wararkaasi been abuurka ah ay bulshada ku khalkhal galinayaan.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post