1962 Views

Sawiro:- Nabad Sugida Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabatay hub loo waday Al-Shabaab

Sawiro:- Nabad Sugida Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabatay hub loo waday Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Dhuusamareed | QOL | February 21, 2019 — Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida maamulka Galmudug ay magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimada Galmudug ku qabteen gaari hub badan ay saarnaayeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen kontorool ku yaala duleedka magaalada ay ku soo qabteen hub la sheegay in loo waday Kooxda Al-Shabaab.

Hubka la qabtay oo rasaas iyo booshash isugu jira, ayaa waxaa haatan lagu hayaa xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabad Sugida, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo loo soo bandhigo Saxaafada.

Taliska Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in hubka lagu qabtay gaari Homy, kaasoo ku sii jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa ay hadalkooda intaasi ku sii dareen in hubka ay qabteen laga keenay gobolka bari, iyadoo lala soo gudbay kontoroolo badan, balse la dhaafin waayay Magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo si adag gaadiidka loogu baaro.

Ciidamada amaanka oo gacanta ku haya ninkii waday gaariga la qabtay, ayaa su’aalo ka weydiinaya halka lala damacsanaa in lagu weeraro hubkaasi iyo cida u soo dhiibtay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment