252 Views

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan London.

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan London.
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022


Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan loogu qareemayay gurmadka abaaraha la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.

Kulanka oo ay si weyn uga soo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimada, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo dagaalka argagexisada.

Xildhibaan Cabadiraxmaan Cabdishakuur ayaa Jaaliyadda UK, ku dhiirageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada ee dhibaatada ku haya dalkeenna.

Ergeygu wuxuu jaaliyadda ku boorriyey in ay Dowladda UK culays ku saaraan sidii ay dib ugu laaban lahayd kaalinteedii u qareemadda, ugana qeyb qaadan lahayd dadaallada looga hor tagayo in abaaraha daran ee dalka ka jira u gudbaan macluul.

Ergeyga ayaa intii uu ku sugnaa Ingiriiska kulamo kala duwan la qaatay madax ka socotay Britain, sida; Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UK, Ergeyga gaarka ah ee Isbeddelka Cimilada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Xildhibaan Cabadiraxmaan oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa hadda ku sugan magaalada Oslo halkaasoo uu galabta kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen kula qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post