1989 Views

RW Khayre Oo Xalay Kormeer Ku Sameeyey Qeybo Kamid Ah Muqdisho

RW Khayre Oo Xalay Kormeer Ku Sameeyey Qeybo Kamid Ah Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Howlaha Nadafadeed,isagoo qaybo ka mid ah Magaaladda kulamo xog wareysi ah kula soo qaatay Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda,

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre   kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen   in ay socdaan  howlo lagu  xoojinayo   Nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso  si loo helo Caasimad  bilic iyo amni leh.

Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis ee xukumadd Adan ISaaq Cali oo warbaahinta qaran la hadlay ayaan  xusay in dowladda  muhiimada weyn siinayso  Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa  kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu  la qaatay dadkii ku caweynayey  waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.

Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey  dowladnimada iyo dal jaceylka,kuwaasi oo uu si Caadi ah kuna bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa ku tagan ilaalinta dowladnimada , taa oo horseedaysa in ay helaan mustaqbal wanaagsan ee ay kula tartamaan   dadka asaagooda ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasaaraha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment