1485 Views

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Kenyaawi

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Kenyaawi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan.

Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

“Waxaan maanta xafiiskeyga igu soo booqday Sheekh Maxamed Ibraahim Cali Kenyaawi oo kamid ah culumada Soomaaliyeed. Waxa aan uga mahad celiyay ololaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka. Waa barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyigelinta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment