984 Views

Axmed madoobe oo si diiran loogu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Axmed madoobe oo si diiran loogu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde
____________________________________________________________________________

May 20 2021

waxaa goor dhawayd Garoonka Muqdisho ka solo dagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu Hogaaminaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde loogu soo dhaweeyay si ka duwan madaxdii hore u timid Muqdisho, iyadoo soo dhaweyntiisa ay safaf dhaadheer u galeen Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

sdoo kale Axmed Madoobe ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo saaka barqanimadii uu caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Lafta Gareen oo isaguna qeyb ka ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post