720 Views

Qaramada Midoobay oo si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii Haiti

Qaramada Midoobay oo  si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii   Haiti
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka  Haiti  Jovenel  Moise. Golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka danbeeyay falkaas.


Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso .

Dhinaca kale,ciidamada ammaanka ee dalka Heyti ayaa dilay afar ruux oo looga shakisam yahay in ay lug ku leeyihiin dilkii madaxweynihii dalkaasi,waxaana gacanta lagu dhigay laba kale,halka la tilmaamay in qaar kale oo baxsad ah ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Taliyaha ciidamada Boliiska ee Heyti Leon Charles ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka madaxweynaha la dili doono ama la soo qaban doono.

Mr Moïse oo ah madaxweynaha la dilay ayaa ahaa 53-sano jir,waxaana haatan xaaskiisa lagu daaweynayaa Gobolka Florida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post