468 Views

Mareykanka oo dambi ku helay haweynay maalgelinaysay Al-Shabaab.

Mareykanka oo dambi ku helay haweynay maalgelinaysay Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay dagaalameyaasha  Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Jessica Aber oo ku sugan gobolka Virginia ayaa sheegay  in Farhia Hassan oo 38 jir ah lagu helay Talaadadii in ay ku howlanayd in ay taageero agab ah siisay urur argagixiso oo ajnabi ah oo loo aqoonsaday.

Cadeymaha maxkamada ayaa muujinaya inay katirsanayd  koox haween ah oo ka kala yimid in ka badan 12 wadan, kuwaas oo qeyb ka qaatay lacag aruurin loo sameynayay kooxo mayal adag.

Qareenada ayaa sheegay in lacagtaasi ay tahay mid dhan dhowr kun oo dollar oo loogu talo galay in lagu daryeelo askarta Al-Shabaab ee ku dhaawacma dagaalada.

Farhia Hassan  ayaa wajahaysa ilaa 15 sano oo xarig ah marka la xukumo 22-ka July.
Inta badan Mareykanka ayaa baadi goobaya shaqsiyaadka la sheego in ay xiriir la leeyihiin dagaalameyaasha Al-shabaab iyo kooxda Daacish.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post