1239 Views

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo Eedayn u jeediyay Wasiirka Maaliyada somaliya Beyl.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo Eedayn u jeediyay Wasiirka Maaliyada somaliya  Beyl.
____________________________________________________________________________

\Axad: June 27 2021

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiir Koore ayaa waxa uu ku eedeyay Mahdi Guuleed iyo Beyle inay ka dambeeyan abaabul ka dhan ah Somaliland oo laga bilaabay deeganadooda, kuwaasi oo inta badan lagu ilduufayo dhalinyarada, sida uu sheegay.

“Koley in aad warqad soo qorataan (Cafis dalbataan) ayaa ku dambeyn doontan, cadaawada aad Jamhuuriyada Somaliland ka galeysaan waa mid idiin qornaan doonto oo bulshadu idiin xasuusnan doontan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in cadaawada mas’uuliyiintaas gashadeen Somaliland, aysan marnaba ilaawin doonin, taasi oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono.

“Waan wada ognahay in waxa Xamar kasoo dhacdaan ama kasoo shaqeysaan aad Hargeysa ku dhistaan, Guryaihiina iyo hantidiiduna waa tirsan tahay,” ayuu yiri Wasiir Koore oo hanjabaad adag hawada u mariyey Mahdi Guuleed iyo Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ku dardaaray bulshada reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeestan waxkasta oo dhaawacaya jiritaanka Somaliland, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin difaaca iyo nabad-gelyada Somaliland.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post