396 Views

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay Shirka Caalamiga ee Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay Shirka Caalamiga ee Horumarinta Afrika
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis kaasi

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.

Sidoo kale shirkan caalamiga ah waxaa khudbado ka jeedin doona madaxda dalalka Afrika iyo dalka Japan.

Qodobada ugu waaweyn ee looga hadlayo shirk ayaa kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post