1416 Views

Suuqyada lagu iibiyo hilibka Geella ee Muqdisho oo maalintii labaad xiran

Suuqyada lagu iibiyo hilibka Geella ee Muqdisho oo maalintii labaad xiran
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Waxaa maalintii labaad xiran suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo hilibka Geela, iyadoo aysan  jirin dhaq dhaqaaq ganacsi.

Arrintaan ayaa ka dambeesay kadib markii la sheegay in ay isku dhaceen Ganacsatada hilibka Geela iyo kuwa ka ahaa dalaaleyda, kadib markii ganacsatada qaar ay xuseen in lacago dheeri ah ay kusoo ragoon dalaaleyda taas oo culeys ku noqotay.

Sidoo kale, saakay ma jirin xoolo la guuracay oo geel ah kuwaa oo la iibinayo.

Shacabka Muqdisho si gaar Ganacsatada ayaa arrintaan waxaa ay ka muujiyeen cabasho iyo culeys weyn, iyadoo saameynta Hilib la,aanta Goobaha ganacsiga laga dareemayo caasimada.

Dhinaca kale, Suuqyada lagu iibiyo kaluunka ayaa la tilmaamay in xirnaanshiyahaan ay u arkeen ka faa,iideysi, maadaama nuskiilada hilibka kaluunka la iibinayo $4, halka markii hore kiilada la iibin jiray midka ugu fiican $2.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin khilaafka soo kale dhexgalay Ganacsatada hilibka Geela iibiyo iyo kuwa dadaaleyda ah kasoo oo sababay in Shacabka Soomaaliyeed ee muqdisho ay waayaan hilibka Geela oo si aad ah ay u isticmaali jireen.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post