1533 Views

SAWIRO:-Guddoomiye Ibraahim Dheere oo la kulmay Xubnaha Guddiga Xil wareejinta

SAWIRO:-Guddoomiye Ibraahim Dheere oo la kulmay Xubnaha Guddiga Xil wareejinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Kusimaha Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay xubnaha loo Magacaabay xil wareejinta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Xubnaha oo ka kooban 9 Xubnood ayaa laga sugayaa inay diyaariyaan munaasabada ay xilalka kula wareegayaan Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish oo bedelay guddoomiyihii qaraxa ku geeriyooday ee Eng Cabadiraxmaan Yariisow & kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Mahdalle.

 

 

“Kulan Muhiim ah ayaan la qaatay Guddiga qaban qaabda munaasabadda xil la wareegidda iyo soo dhaweynta Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayuu yiri Ibraahim dheere”.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xubnaha Guddiga uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha u dhiman Guddiga eek u saaban sidii ay u qabsoomi lahayd munaasabad qurux badan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment