1008 Views

Wasiir Oomaar” Kismaayo Ajnabi kama ihi waana tagayaa”

Wasiir Oomaar” Kismaayo Ajnabi kama ihi waana tagayaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay sabaihii keenay in todobadyo ka hor uu ka baaqsado safar la qorsheeyay in uu ku tago Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa ee Madaxweynaha Jubbaland.

 

Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aadi taanka Magalada Kismaayo ay tahay mid qasab ah oo shaki geli Karin, isla markaana aysan jiri Karin cid ka hor-istaageyso.

 

 

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Magaalada Kismaayo ka aheyn qof ajnabi ah oo uu ku yaalla gurigiisa,waxaana uu sheegay inaysan jirin colaad kala dhaxeysa dadka Magalada Kismaayo, hayeeshee uu ku jiro abaabul iyo olole ku aadan  musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland.

 

Dhawaan ayaa War kasoo baxay Mamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in deegaannada Maamulkas uusan tegi Karin qof xil ka haaya Doowladda Soomaaliya,waxaana Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) uu ka mid yahay Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment