804 Views

Brazil Kiisaska Cudurka Covid-19 oo 1 milyan kor u dhaaftay

Brazil Kiisaska Cudurka Covid-19 oo 1 milyan kor u dhaaftay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ugu badan ee dhimashada coronavirus ee dunida iyadoo ay ku dhinteen 50,000, waxaa uu ka sara maray tirada dhimashada Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan Cudurka ayaa ku dhacay dalkaasi 1 Milyan oo qof oo ku sugan dhammaan gobolada dalka Baraasiil.

Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horreeya dhimashada dunida dalka Baraasiil sidda ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka ee Adduunka.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in cudurka uu si ba’an u faafay ka dib markii dowladda ay diiday in xayiraad lasoo roggo.

In kabadan 458,000 oo qof ayaa u dhintey cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkin.

Ugu yaraan 8.6 milyan oo qof ayaa la xaqiijiyey in ay qabaan cudurka ‘coronavirus’ adduunka oo in kabadan 4.2 milyan ayaa soo kabsaday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post