1194 Views

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daraya Ikhwaanul Muslimiin

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daraya Ikhwaanul Muslimiin
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL |  May  01, 201, 2019 —Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fikirayo inuu ururka Akhwaanul Muslimiin uu ku daro liiska ururada argagixisada.

 

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa qoraal email ah ku sheegtay “Madaxweyne Trump wuxuu uu la tashaday kooxda amniga qaranka Maraykanka iyo waliba hoggaamiyayaasha Bariga Dhexe, kuwaasi oo la qaba welwelkiisa ku aadan ururka Akhwaanul Muslimiin”

 

Haddii ururka lagu daro liiska kooxaha argagaixsada, waxay taasi Washington u oggolaan doontaa inay cunaqabteyn ku soo rogto shaqsiyaadka ama kooxaha xiriirka la leh ururka Akhwaanul Muslimiin.

 

Talaabadan ayaa timid saddex toddobaad kaddib markii uu Madaxweyne Trump uu Aqalka Cad ku martigaliyay madaxweynaha Masar Cabdulfataax El Sisi, oo uu ku ammaanay inuu yahay “madaxweyne wanagasan”, isagoo sheegay in xiriirka u dhaxeeya Maryakanka iyo Masar uu yahay mid aad u xoogan.

 

 

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment