735 Views

Abdikafi Mahamud “ Madaxwayne Qoor Qoor waa Dagaal doon, waa dhiig doon, waa nin farxadiisu tahay dagaal iyo dhiig.

Abdikafi Mahamud  “ Madaxwayne Qoor Qoor waa Dagaal doon, waa dhiig doon, waa nin farxadiisu tahay dagaal iyo dhiig.
____________________________________________________________________________


Axad: October 17, 2021

Abdikafi Mahamud  oo ka mid ah siyaasiyiinta Galmudug horayna u soo noqday  wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug, ayaa ka hadlay Xaalada Galmudug iyo in Galmudug kujirto waqtiga ugu xumaa intii ay jirtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale  sheegay in Madaxwayne Qoor Qoor yahay  dagaal doon, dhiig doon, uuna isaga hurinayo Colaada Guriceel.

“ Ahlusunna ma doonayso dagaal, weerar kuma ahan maamulka Galmudug, doorahadana ma diidana, kaliya ASWJ waa Shabaab diid”ayuu yiri Abdikafi Mahamud  oo ka mid ah siyaasiyiinta galmudug xilalka ka soo qabtay.

Waxa uu sheegay ASWJ waxay cadaynaysaa in aysan doonayn dagaal ay la gasho cid aan ka ahayn cadawga ummadda soomaaliyeed ee Al Shabaab.

“ Waxaan u baaqaynaa dadka soomaaliyeed ee nabada jecel, Raysulwasaraha soomaliya, saaxiibada soomaaliya iyo hayadaha xaquuqul insaanka in ay wax ka qabtaan kana hortagaan dhiiga Madaxwayne Qoor Qoor daadinayo ee reer Galmudug.

 “Qasadka ASWJ kaliya waa In ay shacbiga Galmudug ka xoreeyaan Al Shaabaab”ayuu mar kale yiri Abdikafi Mahamud  oo ka mid ah siyaasiyiinta Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Guriceel in ay u midoobaan Difaacooda, ayna meesha ka saaraan kala aragti Duwanaanshaha.

Ugu dambayntii sheegay in dhibaatadii ka timaado halkaas ay Mas’uul ka Noqon doonaan Villa Somaliya iyo Qoor Qoor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post