834 Views

Wasiirka difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland oo goor dhawayd muqdisho soo gaaray

Wasiirka  difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland oo goor dhawayd muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________


Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland

Khamiis: july 22 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu Welhiyo Wasiirka arrimaha dibedda XFS Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxay Muqdisho kusoo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda difaaca iyo arrimaha dibedda dalka Ireland Simon Coveney, TD iyo xubno kale oo la socday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda Ireland ayaa si wadajir ah salaan ugu qaatay cutubyo ka tirsam Ciidanka xoogga Dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha waxaa ku sugnaa oo soo dhaweynta Wafdigan qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar,Saraakiil ka tirsan XDS iyo Xubno kale .

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post