1317 Views

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad oo la wareegay deegaano ku yaalla koonfurta magaalada Dhuusamareeb

____________________________________________________________________________

April 4-2021

Wararka ka imaanaya Deegaanada Galmudug gaar ahaan caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay la wareegay deegaano ku yaalla koonfurta magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaal kadib ay qabsadeen deegaanada Sinadhaqo iyo Labi-dulle ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay la wareegeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna kasoo furteen saanad ciidan iyo hub, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kaler Milatariga Soomaaliya ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkii shalay ka dhacay halkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post