1446 Views

Pakistan Oo Laga Soo Riday Diyaarad Dagaal Iyo Duuliyihii Oo Badbaaday

Pakistan Oo Laga Soo Riday Diyaarad Dagaal Iyo Duuliyihii Oo Badbaaday
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee Pakistan, oo nooceedu ahaa F16 ayaa la sheegay in saakayto lagu soo riday xuduudka Gobalka Kashmiir.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalka Hindiya ayaa l;lagu sheegay inay toogteen Diyaaradaasi oo ku soo xad-gudubtay Hawada dalka Hindiya.

Duuliyihii Diyaaraddaasi ayaa la sheegay inuu Baarshuut kaga booday Diyaaradda, ka hor intaysan ku hoobanin gudaha xuduudka Pakistan.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday Dooxadda Laam oo ka tirsan Degmadda Nowshera ee Gobalka Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment