1860 Views

Mareykanka oo lagu qaaday weerar dhanka Qadka ah

Mareykanka oo lagu qaaday weerar dhanka Qadka ah
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-  Masuuliyiin ol’olaha doorashada u qaabil sanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa email-ladooda la jabsaday ka hor doorashadii xiliga dhexe ee dalka Maraykanka, sida hadda soo baxday.

Guddiga xisbiga Jamhuuriga ee Congres-ka oo magaciisa loo soo gaabiyo NRCC ayaa sheegay in email-ladooda loo dhacay, isla markaasna aysan garanayn cidda sidaas yeeshay, balse ay ku wargaliyeen hay’dda dambi baarista Maraykanka ee FBI

Masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay in aan la shaacinin email-ladii loo dhacay.

Barta wararka daabacda ee Politico oo markii u horraysay warkan tabisay ayaa sheegtay in weerarkaas lagu bartilmaameed saday afar kaaliye oo sarsare.

Waxay sheegtay in email ladaas lala socday bilooyin balse bishii Abriil ayuu ogaaday masuul ka tirsan NRCC kaas oo guddiga war galiyay.

Guddiga NRCC ayaa isku duba rida ol’olaha murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee ka qaybqaadanaya doorashada Aqalka Wakiillada.

Website-ka Politico oo soo xiganaya masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay guddiga NRCC uusan masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga la wadaagin macluumaadka email-lada loo dhacay.

Guddiga ayaan sidoo kale la wadaagin xubnaha baarlamaanka taas oo adkaynaysa in la ogaado ciddii ka dambaysay dhibaatadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment