1482 Views

War deg deg ah: 3 ka mid ah Ciidamada ilaalada Dharcada ah oo goor dhawayd lagu toogtay Suuqa Bakaaraha..

War deg deg ah: 3 ka mid ah Ciidamada  ilaalada Dharcada ah  oo goor dhawayd lagu toogtay Suuqa Bakaaraha..
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Waxaa goordhaw lagu laayay Suuqa bakaaraha  ciidanka nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cada ee loogu yeero ilaalada shacabka .

 Wararka ayaa sheegaya in dhalinayaradaan oo ka tirsan Ciidankaas lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan boosteejada laga raro baabuurta ceelsha biyaha.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in magacyoadooda ay kala yihiin Cali iyo mid lagu sheegay ismaaciil Cagoole.

3 dhalinyarada ah ayaa wada socday waxayna ka tirsanaayeen Ciidamada dharcada ah, waxaana halkaas ku dhintay 2 midka kalana waxaa la sheegay in dhaawac halis ah lagu qaaday,

Sidoo kale Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesnaa ay gaadeen dhalinyaradan kadibna madaxa ka toogteen, waxaana goobta ku geeriyootay labo kamid ah ciidanka dharcada halka mid kalana isaga oo dhaawac culus kuyaal goobta laga qaaday.

Ciidamada ka tirsan shabaab ayaa dhalinyaradaan mudooyinkii ugu danbeeyay waxay ahaayeen kuwa ugaarsi ku wada, waxayna ku dilaan si fudud.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post