891 Views

Taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay ku geeriyooday Muqdisho..

Taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay ku geeriyooday Muqdisho..
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Wararka ka imaanaya saakay Magaalada Muqdishoayaa sheegaya in xalay uu halkaas ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa u uku jiray ispitaaol, waxaana la sheegay in xalay uu u geeriyooday Xanuun Mudo hayay

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo loo keenay xaalado caafimaad, isaga oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday gudaha Muqdisho.

Sidoo kale War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana si gaar ah qoraalkan tacsi loogu diray ehellada marxuumka, Booliska & guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Shabeelaha Hoose oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post