732 Views

Dowladda Ingiriiska oo Safiir Cusub u soo Magacaawday Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska oo Safiir Cusub u soo Magacaawday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay bedel ku sameeysay Safiirkii u fadhiyay Soomaaliya ee Amb, Ben Fender, iyada oo Safiir Cusub u soo magacaabatay Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa Safiirka u fadhin doona Soomaaliya waxaa ay u soo magacaaday haweeneey lagu Magacaabo Kate Foster, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda UK.

Sidoo kale dowladda Britain ayaa sheegay in Busha Febaraayo ee sanadkaan 2021 Amb, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblumaasiyadeed si uu uga Shaqeeyo.

Dowladda boqortooyada UK ayaa Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay Sanad iyo 11 Bilood.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post