1173 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigey dhismaha Xarun muhiim ah

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigey dhismaha Xarun muhiim ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

 

Ujeedka dhagax dhigaan ayaa ahaa mid ay dowlada Hoose ee Xamar ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.

 

Xarunta Maanta la dhagax-dhigey ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,waxaana ka muuqda burbur xoogan,iyada oo la filayo in dib u dhis lagu sameeyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment