75 Views

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka
____________________________________________________________________________

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, taas oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan oo xukuumaddu sheegtay in wax laga qabanayo

Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa dhankeeda ugu hambalyeysay Xukuumadda guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay 2023.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale xustay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dowladdu guulo badan ay gaartay sanadkii 2023.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post