777 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian oo sheegay in la xirayo toddoba Masaajid ee ku yaala dalkaas

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian  oo sheegay in la xirayo toddoba Masaajid ee ku yaala dalkaas
____________________________________________________________________________

 
khamiis: October 28, 2021

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xireyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka.

Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xireyso inkasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaala magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post