651 Views

Dalka Itoobiya oo ku waabariistey xaalad deg deg ah

Dalka Itoobiya oo ku waabariistey xaalad deg deg ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Dalka Itoobiya, ayaa maanta wuxuu u noqonayaa maalintii koowaad, kadib markii lagu soo rogey xaalad deg deg ah, kaasoo socon doona muddo dhan lix bilood.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan.

Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada.

Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa.

Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal.

Amarka xaaladda degdeg ah waxaa uu saameynayaa dhammaan dalka Itoobiya oo dhan, oo ay kamid tahay ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo ay xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post