912 Views

Xildhibaannada Galmudug oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Xildhibaannada Galmudug oo kulan deg deg ah la isugu yeeray
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Kulan deg deg ah oo horay aan u qorsheysneen isugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyada oo Ajanduhu yahay Ansaxinta jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo ay Maanta doorteen.

 

Xildhibaano dhan 62 xildhibaan oo ahaa tirada guud ee Fadhiga ayaa ansaxiyay Jadwalka doorashada iyadoo goobta ay ka maqnaayeen 20 ka xildhibaan ee ka soo galey Dhanka ahlusunna iyo tiro kale.

Dhuusamareeb

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Ayaa Ugu Baaqey Iney Musharaxiinta Isa Soo diiwaan Galiyaan.

Posted by Universal Somali TV on Tuesday, January 21, 2020

Khilaaf ayaa xilligaan waxaa uu ka dhex-jiraa Xubnaha doorashada Galmudug oo ay kamid yihiin Shan Xildhibaan oo ah kuwa Baarlamaanka Galmudug kasoo galey dhinaca Ahluusnna.

 

Khilaafka Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ka dhashay cida noqoneysa Guddoomiyaha Gudiga walow Maanta Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa la doortey.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment