693 Views

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Marxuumka oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday xanuunka COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi.

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post