957 Views

Xuud oo ka soo horjeeda Hirshabelle oo ka hadlay dagaalka Xalay ka dhacay B/weyne.

Xuud oo ka soo horjeeda  Hirshabelle oo ka hadlay dagaalka  Xalay ka dhacay B/weyne.
____________________________________________________________________________

 Axad: July 4, 2021

Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle, isla markaana ciidamo taabacsan iyo kuwa Hirshabeelle ay saakay ku dagaallameen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalka iyo waxa dhaliyay.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii dhowr iyo toban wasiir oo yimid Beledweyne ay doonayeen inay shir ku qabtaan magaalada, isagoo sheegay inay isku ogaayeen inaysan soo gelin magaalada.

Wuxuu sheegay inay sii ogaayeen in madaxweynaha Hirshabeelle iyo xubno kale ay ku sugan yihiin magaalada.

“Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen, wax dhaqaaq ah ma lahayn,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in wasiirrada uu sheegayay inay doonayeen inay magaalada shir ku qabtaan ay isku dayeen inay awood adeegsadaan.

Janaraal Xuud ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga dhaawacmeen labo askari.

Wuxuu sheegay inaysan oggolaan doonin inay diyaarad ku soo degto magaalada, “Ciidanka AMISOM waxaan u sheegeynaa haddii ay diyaarad soo degto inay qrxeyos,” ayuu

“Diyaaradihii waxay noqdeen kuwo Hirshabeelle u shaqeeya,” ayuu intaas ku daray.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa federaalka ay tageerayeen kuwa Hirshabeelle.

Dad kala duwan oo ku sugan Beledweyne ayaa BBC u sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka inkasta oo aanan si rasmi ah oo loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post