771 Views

Ciidan ka tirsan Puntland oo Garoowe ku toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Ciidan ka tirsan Puntland oo  Garoowe ku toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

 Ciidan ka tirsan Puntland ayaa magaalada Garoowe ku toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdikariin Xuseen Mire, waxaana dilkiisu ka dhacay wadada Soddonka oo ay isticmaalaan gaadiidka Bajaajta.

Wiilka oo xabado kaga dhaceen qeybta madaxa ayaa isla goobta ku geeriyooday sida Puntland Post ay u xaqiijiyeen dad goobta ku sugnaa, waxaana maydka marxuumka la geeyay isbitaalka Carafaat.

Ciidanka dilka gaystay oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa ka baxsaday goobta dilku ka dhacay, waxaana saraakiil ka tirsan Booliska Puntland oo aan wax ka weydiiday dhacdan noo sheegeen in loo qabtay labo askari.

Ciidamada Puntland oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan dadka rayidka ah ayaa marar badan dhibaato u geysta shacab aan waxba galabsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post