1065 Views

Shiinaha oo laga cabsi qabo in uu Weerar ku qaado Dalka aan aqooonsiga heysan ee Taiwan

Shiinaha oo laga cabsi qabo in uu Weerar ku qaado Dalka aan aqooonsiga heysan ee Taiwan
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 11, 2021

 Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing.

Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”.

Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa ku nuux nuuxsatay inay sii xoojin doonaan ciidamada dalkeeda, si aanay loogu digan jasiiraddaas.

“Waxaan sii xoojin doonnaa amnigeena, si aanay u jirin cid nagu qasbi karta waxa ay doonayaan,” ayay sheegtay Tsai Ing-wen

“Sababta aan tallaabadaas u qaadanay ayaa ah in qorshaha Shiinaha aanu ahayn mid madax bannaani ama dimuqraadiyad toona u wada shacabka 23-ka milyan ah ee Taiwan,” ayay hadalkeeda raacisay.

Taiwan ayaa isu aragta dal ka madax bannaan Shiinaha, halka xukuumadda Beijing ay ku doodayso inay tahay gobol ka tirsan dalkeeda. Waxa ay ku kala go’een dagaalkii sokeeye ee Shiinaha ka dhacay 1940.

nkastoo ay Taiwan leedahay dastuur, calan, madax la doortay iyo ciidan joogta ah, haddana dalal kooban oo caalamka ah ayaa u aqoonsan waddan madax bannaan.

Shiinaha ayaa todobaadyadii dambe sare u qaaday cadaadiska milateri ee u uku hayo Taiwan, waxaana markii ugu horreysay hawada jasiiraddaas galay in ka badan 40 diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha oo ay kamid yihiin kuwa xambaara qumbuladaha nukliyeerka.

Maxaa dhici kara?

Khubarada ka faalloota ammaanka ayaa sheegaya in xiisadda u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan ay ka sii dari karto bilaha iyo sanadaha soo socda, ayna horseedi karto dagaal dhexmara labada dhinac.

Qaar kale ayaa tilmaamaya in labada dhinacba aanay ku degdegin doonin dagaal toos ah, sababo dhaqaale iyo siyaasadeed awgood.

Wargeyska the Bloomberg ayaa faallo uu ka qoray xiisadda ku sheegay in Shiinaha uu ka baaqsan karo dagaal toos ah, taa bedalkeedana uu hab dibloomaasi, dhaqaale iyo go’doomin isugu jirta u uku muquunin karo Taiwan.

Khubarada qaar ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xi uu doonayo inuu soo bandhiggo awooddiisa oo uu shacabkiisa ku qanciyo inuu soo celin rabo dhul ka maqnaa muddo badan.

Ian Easton, oo kamid ah agaasimayaasha mashruuca 2049 Institute, ayaa Bloomberg u sheegay inay u muuqato in xiisadda ay ka sii dari karto.

“Waxaa suuragal ah in dagaal ka dhex qarxa Shiinaha iyo Taiwan uu caalamka ka dhigi karo mid khatar ah oo ay ku loolamaan dalalka awoodda badan. Shanta ilaa tobanka sano ee soo socda waxa ay noqon karaan kuwo halistooda wata,” ayuu yiri Easton.

Awood ahaan, Shiinaha ayaa Taiwan kaga sarreeya dhinac kasta, balse waxaa jira dalal awood badan sida Maraykanka oo la safan xukuumadda Taipie.

Muxuu yahay yoolka Shiinaha?

Xi Jinping oo ka hadlayay sanad guuradii 110-aad ee ka soo wareegtay markii la afgembiyay boqortooyaddii u dambeysay Shiinaha, ayaa sheegay in la midoobidda Taiwan ay noqon doonto mid si nabad ah ku dhacda, ayna dan u tahay shacabka labada dhinac.

“Hawsha taariikhiga ah ee lagu soo gebagabeynayo dib u mideynta dhulkeena ayaa u baahan in la dhamaystiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xi.

Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda.

Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan.

Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post