747 Views

Xukun dil ah oo lagu riday Nin hooyadiis ku dilay Magaalada Baydhabo

Xukun dil ah oo lagu riday Nin hooyadiis ku dilay Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15 2021–Maxakamada gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa ay xukun dil ah ku ridey Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo dhawaan hoyadiis oo 70 jir ah kudiley Magaalada Baydhabo.

Mukhtaar ayaa dilay dhawaan hooyadiis oo lagu Magacaabi jiray kheyrto Shariif Xasan, waxaana Goobta maxkamadda ku sugnaa Ehellada Marxuumada iyo Eedeysanaha.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay Axmed Sheekh Nuur Zaki  oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Mukhtaar Ibraahim Isxaaq Xafiiska Xeer ilalinta Maxkamadda Gobolka Baay ay kusoo eedeysay in uu dilay Hooyadiis.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in baaris dheer iyo qiraalka eedeysanaha oo Maxkamadda horteeda ka cadeeyay in uu dilay Hooyadiis lagu xukumay xukun dil toogasho ah.

Dadka ku nool Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa aad uga naxay markii Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu si bareera h u dilay Hooyadiis oo lagu Magacaabi jiray jiray kheyrto Shariif Xasan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post