1254 Views

Mahdi Guuleed oo sheegay in malxiis siyaasadeed la tartami doono Cabdi xaashi

Mahdi Guuleed oo sheegay in malxiis siyaasadeed la tartami doono Cabdi xaashi
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa muujiyay in malxiis siyaasadeed oo la tartama loo soo helay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in la tashiyo badan, kadib la go’aamiyay  in kursiga kowaad ee Aqalka saree e laga soo doorto Somaliland lagula tartamo Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Wuxuu sheegay in Cabdi Xaashi uu la tartami doono nin lagu magacaabo  Siciid Cumar Xuseen, oo sida muuqata malxiis siyaasadeed u noqon doona.

Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post