804 Views

Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay

Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

Xildhibaano ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Doorashada maanta oo ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ayaa waxaa lagu doortay illaa shan xubnood oo baarlamanka kasoo galaya gobollada waqooyi (Somaliland).

Xubnaha la doortay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Maareeyee oo markii labaad lasoo doortay, isaga oo ka guuleystay musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Waxaa sidoo dib loo soo doortay xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartameysay.

Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyana la doortay kadib markii sida la sheegay loo tanaasulay.

Maxamed Haaruun ayaa isna doorashadiisa uga adkaaday Axmed Cali Maxamed oo la tartamay.

Xubnaha maanta la doortay ayaa ku biiraya laba kursi oo horey loo doortay, oo iyagana golaha shacabka kasoo galay dhanka Somaliland.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post