1290 Views

SAWIRO:-Dowladda Somalia & Bangiga horumarinta Afrika oo heshiis kala saxiixday

SAWIRO:-Dowladda Somalia & Bangiga horumarinta Afrika oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa kala saxiixday laba heshiis oo kala ah qaybtii ugu dambaysay ee dhismaha wadooyinka dalka iyo heshiiska mashruuca biyo galinta magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Baay.

 

Shirka heshiiskaas lagu saxiixay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha Fowsiya Maxamed Sheekh, Wasiirka Hawlaha Guud &Dib u dhiska Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdilaahi Sheekh Cali Qalocow, Wasiiro kasocday Dowlad Goboleedyada dalka, Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, iyo Saraakiil kasocotay haayadda IOM.

 

Dhanka dowladda Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdilaahi Sheekh Cali Qaloocow halka dhinaca Bangiga horumarinta Afrika  uu u saxiixay kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Bangiga horumarinta Afrika Mrs. Ninenna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment