531 Views

Qoorqoor oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee soo dhamaatay

Qoorqoor oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee soo dhamaatay
____________________________________________________________________________

Maamulka Galmudug ayaa soo gabagabeysay doorashada labada Gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay dhammaan xildhibaannada la doortay, isagoona u rajeeyay inay kasoo dhalaalaan waajibaadka qaran ee horyaalla iyo ka shaqeynta horumarinta deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ka qaateen hirgelinta Doorashada Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Hay’adaha Amniga iyo guud ahaan duubabka dhaqanka iyo shacabka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa balan qaaday in Galmudug ay sii xoojinayso dadaalkeeda dimuqraadiyeynta, iyo daadejinta Maamulka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post