861 Views

Madaxweyne loola cararay qaybta lagula tacaalo dadka xaaladooda ay aad u liidato

Madaxweyne loola cararay qaybta lagula tacaalo dadka xaaladooda ay aad u liidato
____________________________________________________________________________


Axad: October 10, 2021

Madaxweynaha Czech, Milos Zeman, ayaa loola cararay qaybta lagula tacaalo dadka xaaladooda ay aad u liidato ah ee isbitaal ku yaal magaalada Prague, inta uu ku guda jiro go’aan ka gaarista cidda uu ku casuumi doono inay soo dhisto dowlad cusub, kadib doorashadii baarlamaaniga eedhawan soo gebagaboowday. Mr Zeman, oo da’disu tahay toddoba iyo toddobaatan sano jir , ayaa muddo heer qabay dhibaatooyin caafimaad, laakiin dhakhaatiirtu shaaca kama aysan qaadin xaaladdiisa caafimaad.

Inta uu xanuunka ku dhicin waxaa uu wadahadalo kula jiray Ra’iisul wasaaraha, Andrej Babis – oo saaxiibkiis dhow. Mr Babis iyo xisbigiisii ANO ee ayaa natiijo xumi kala kulmay doorashadii dhawaan la qabtay ah, waxayna u muuqata inaysan u suurogalayn inuu sameeyo isbahaysi si uu xukunka u sii haysto.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post