1008 Views

deegaanka Lag Dheera oo ka tirsan Garissa Kenya oo abaaro xoogan dadkii daganaa uga hayaameen

deegaanka Lag Dheera oo ka tirsan Garissa  Kenya oo abaaro xoogan dadkii daganaa uga   hayaameen
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lag Dheera oo katirsan ismaamulka Garissa ee Kenya, ayaa sheegaya in dad badan ay ka hayaameen, kadib markii ay ku dhufatey abaar aad u xun.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo ku dhaw labo sano aaney roob ka da’in halkaasi, taasi oo ku qasabtey dadka iney galaan socod dheer iyagoo raadinaya biyo iyo baad.

Sidoo kale, abaarta ayaa saameyn balaaran kuyeelatey waxbarashadii carruurta, maadaama qoysasku ay guur guurayaan marbana meel dagayaan.

Dhaqane Faliir Xaaji, oo kamid ah dadka kunool deegaanka Lag Dheera, oo lasoo xiriirey BBC-da, ayaa carabka ku adkeeyey in dadkii deegaankani ay u qaxeen goobo kale, sida Habaas Weyne iyo Dhadhaab.

Dhaqane wuxuu intaa raaciyey in jiilaalka dabada dhearaadey uu keenay in dadka xoolihii yaraa ee ay lahaayeen iney ka dhamaadeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post