675 Views

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka socota Kismaayo

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka socota Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Dowlad Goboleed ayaa Maanta waxaa ay  Xaruntooda Magaalada Kismaayo ka bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee Beri doorashadooda ay dhaceyso.

Ilaa 8 Musharax oo ku tartami doona Afarta kursi ee Maamulka Jubbaland uga harsan Aqalka Sare ayaa Maanta la diiwaanginayaa, waxaana Musharixii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay uu Maanta noqday Xasan Daahir Yaroow, halka Musharaxa labaad uu noqday Ibrahim Awgaab Cismaan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in Shaqada diiwaangelinta ay si caadi ah u socoto, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta aan weli is diiwaangelin inay Xafiiaka Guddiga deg deg kusoo gaaraan.

Maanta ayaa Gudiga doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay soo geba-gabeynayaan diiwaangelinta Musharixiinta, kuwaas oo Beri doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa todobaadkaan soo geba-gabeyn doono doorashada Aqalka Sare, waxaana kuxiga Maamulka Galmudug oo dhameystiri doona labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post