945 Views

Sarkaal ku dhintey israsaaseyn dhex-martey laba Ciidan

Sarkaal ku dhintey israsaaseyn dhex-martey laba Ciidan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 17 2020– Ciidamo ka wada tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku dagaalameen duleedka magaalada Dangoronyo, gaar ahaan Agagaarka deegaanka Dalsan,waxaana la sheegay in dagaalkooda uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxaa uu yimid,kadib markii Ciidamo kasoo gadoodey Saldhiga Af-urur ay wadada u galeen Ciidamo ka yimid dhinaca Magaalada Khardho,waxaana dagaal dhex-marey la sheegay in Ciidamada gadoodsanaa qaarkood in la qabtey.

 

 

Warar madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintey sarkaal ka mid ah ilaalada taliyaha Ciidanka daraawiishta Puntland,kaas oo lagu Magacaabi jirey Axmed Cariif.

 

Xaalada deegaankii lagu dagaalamey ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan,hayeeshee aysan aheyn markii ugu horeeysay oo Ciidamo ay kasoo gadoodaan Saldhiga deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment