2160 Views

khilaafka Baarlamaanka iyo Jawaari oo magacaabay Guddi 7 xubnood ah

khilaafka Baarlamaanka iyo Jawaari oo magacaabay Guddi 7 xubnood ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arpil 7, 2018 –  Wararka laga helayo xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu socdo dadaalo la doonayo in xal loogu helo khilaafka culus ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, kaasoo Xildhibaanada kala qeybiyay.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta qabsoomi lahaa ayaa la baajiyay, kaasoo abaabulkiisa ay wadeen dhinaca Mooshinka waday, waxaana la sheegay in tan iyo xalay ay socdeen dadaalo la xiriira xal u helida mushaakilka ka dhex taagan Baarlamaanka, si loo helo isu tanaasul.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo la kulmi doona guddi kale oo dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada ka imaanaya, si loo ambaqaado xal u helida arrimaha muranka ka taagan yahay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa walaac ka muujiyay khilaafka taagan in loo adeegsado xoog iyo awood maquunin baal marsan xeer hoosaadka iyo dastuurka, waxaana xiriiro ay la soo sameeyeen Madaxda u soo jeediyeen in khilaafka lagu xaliyo dastuurka ama wado kale oo isu tanaasul ah.

Dadaalada socda ayaa ka duwan kuwii hore ee fashilmay, waxaana ay u badan tahay in la gaaro xal ku jira tanaasul, maadaama uu khilaafka daba dheeraaday, isla markaana amni ahaan iyo siyaasad ahaan uu saameyn keenay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment