1353 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay dilal ka dhacay Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay dilal ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | Janaayo 27, 2019 —Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dilal ka dhacay maanta Magalada Muqdisho, kuwaasi oo ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta kula hadlay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon halkaasi oo lagu dilay ruux bistoolad ku hubeysnaa oo damacsanaa in uu dilo askari balse isagii la dilay.

Waxa kale oo uu ka warbxiyay ruux kale oo uu sheegay in Degmada Yaaqshiid uu ku dilay askari hase ahaatee ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen, waxa uuna bogaadiyay ciidamada amaanka oo uu sheegay in dedaal deeraad ah ay muujiyeen.

Gudoomiye Tuuulax waxa uu ku dheeraaday waxa uu ku tilmaamay wada shaqeynta wanaagsan ee shacabka iyo ciidamada ammaanka dhexmarto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment