459 Views

Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si ulakac ah u beegsanayo dadka rayidka ah ee Ukrain

Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si ulakac ah u beegsanayo dadka rayidka ah  ee Ukrain
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

 Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay heshay xabaalwadareed kale oo ku yaal meel u dhaw magaalada Kyiv, kaddib markii ay halkaasi dib uga gurteen.

Sarkaal ku sugan tuulada Buzova ayaa sheegay in xabaasha ay ku jiraan maydadka tobannaan qof oo rayid ah kuwaas oo lagu aasay god u dhaw kaalin shidaal.

Ma jirto cid madaxbannaan oo arrintaasi xaqiijisay, hasayeeshee dhowr xabaalwadareed ayaa laaga helay deegaannada ku xeeran Kyiv.

Milateriga Ruushka ayaa aaggaas haystay muddo todobaadyo ah markaas oo ay hareereeyeen caasimadda Ukraine.

Waxaa soo baxayay cambaarayn caalami ah oo Moscow loogu jeedinayay wararka sheegaya dambiyada dagaal.

Ruushkuse gaashaanka ayuu u daruuray inuu bartilmaameedsaday dad rayid ah.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post