459 Views

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: January 8, 2023

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay weheliyaan saraakiil ciidan ayaa la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Souefmo elamine.

Generaal Odawaa iyo Amb. Souefmo elamine ayaa ka wada hadlay howlgalka socda ee ka dhanka Khawaarijta, guulaha laga gaaray iyo wada shaqeynta xooggan ee ka dhaxeeyso ciidamada qaranka iyo kuwa ATMIS

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada ATMIS. Peter Omola, kaas oo dhankiisa tilmaamay in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xorreeyay deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post