1254 Views

hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Taalibaan la soo tababartay

hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Taalibaan la soo tababartay
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

 Ka hor intii aan Al-Shabaab la aasaasin, qar ka mid ah hoggaankii hore iyo kuwa hadda, ayaa la soo tababartay ururka Taalibaan ee dalka Afghanistan.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab ee hadda Axmad Diiriye Cumar (Abu Cubaydah) iyo mid ka mid ah ragga u qaabilsan dhanka tababarada iyo ciidamada Mahad Karate, lama xaqiijinin in ay tageen Afghanistan.

Blasé qaar ka mid ah kuwa ku soo tababartay Afghanistan waxay kala yihiin:

Aden Xaashi Cayro

Wuxuu ahaa garabkii ciidamada ee Midowgii Maxaakiimta, wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaasha ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka mid ahaa Islaamiyiintii hubeysnaa tan iyo 2000 oo magaalada Muqdisho ka howlgalayay.

Bishii May, sannadkii 2008, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Wuxuu xilligaas ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab, oo ahaa garabkii ciidanka Maxaakiimta oo markii dambe gaar u istaagay.

Sannadkii 1991, ayuu Cayro ku biiray ururka Al-Qaacidda, wuxuuna tababar ku soo qaatay dalka Afghanistan, 1990-maadkii. Waxaa la rumeysan yahay in uu ka mid yahay Soomaalida la kulantay Usama Bin ladin.

Axmed Cabdi Godane

Wuxuu noqday hoggaamiyihii Al-Shabaab, sannadkii 2008, ka dib markii la dilay Cayro, waxaana isna duqeyn lagu dilay bishii September 2014. Wuxuu ahaa ninkii sii xoojiyay xiriirkii Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.

Axmed Godane, (oo sidoo kale loo garanayay Mukhtaar Abu Zubeyr) waxaa la aaminsan yahay in uu ka mid ahaa xubnihii ku tababartay dalka Afghanistan, sannadihii 1990-maadkii. Wuxuuna ka soo dagaallamay halkaas, xilligii Midowgii Soofiyeed laga saaray dalkaas.

Wuxuu jaamacado ka soo dhigtay dalalka Sudan iyo Pakistan, waxaana la aaminsan yahay in uu fikirka kala yimid dalalkaas.

In kastoo uu dalbaday in Al-Qaacida uu ka mid ahaado ururkii Al-Shabaab, haddana waxaa taas laga aqbalay 2012-kii.

Mukhtar Robow (Abuu Mansuur)

Wuxuu ka mid ahaa madaxdii Al-Itaxaad ee 1998 ka qeybgalay dagaalkii gobolka Gedo eel ala galay itoobiya. Ka hor wuxuu lahaa dugsi quraan ku yaallay magaalada Xudur.

Waxaa la rumeysan yahay in 2001-illaa 2002 uu ku sugnaa dalka Afghanistan oo tababarro uu ku soo qaatay. Wuxuuna wax ku soo bartay dalka Sudan, sida ay sheegaan qaar ka mid ah hay’adaha baaritaannada sameeya.

Markii uu Soomaaliya ku soo noqday wuxuu ka mid noqday hoggaankii Midowgii maxaakiimta, ka dibna wuxuu noqday Hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab iyo Afhayeenkii ururka.

Laakiin, 2013-kii ayey is khilaafeen Mukhtaar Robow iyo Axmed Godane oo ku dagaallamay magaalada Barawe. Ka dib wuxuu noqday nin gooni u taagan illaa 2017-kii oo uu isu dhiibay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Wuxuu noqday musharrax u taagnaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, dhammaadkii 2018-kii, xilligaas ayaana la xiray, welina wuxuu ku jiraa xabsi.

Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangole)

Fu’aad Shangole, wuxuu ka mid yahay madaxda saree e Al-Shabaab, wuxuuna ka tirsanaa Golihii Suurada ee Midowgii maxaakiimta Islaamka. Waxaa la sheegaa in uu qeybta taageerada dhaqaalaha ururka uu qaabilsan yahay.

Inkastoo aan la caddeynin xilliga uu tagay Afghanistan, haddana waxaa la rumeysan yahay in Xuduudda Pakistan iyo Afghanistan uu ku tababartay, halkaasna uu ka soo qaatay fikirka Al-Qaacidda.

Ibrahim al-Afghani (Sawir lagama hayo)

Madixii dhaqaala, iyo Amiirkii Jubbooyiinka iyo mid ka mid ah aasaaseyaashii Al-Shabaab, ayuu ahaa ka hor intii aan lagu dilin magaalada Baraawe ee Shabeellaha Hoose. Wuxuu ku dhintay dagaal dhexmaray isaga iyo rag daacad u ahaa Axmed Godane sannadkii 2013-kii, sida ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab.

Wuxuu magaciisa dhabta ahaa Ibrahim Xaaji Jamac, wuxuuna ka mid ahaa raggii ku soo tababartay dalka Afghanistan, intii ay maamulayeen Taalibaan, 1990-maadkii.

Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninkii isku xirayay Al-Qaacida iyo xagjiriintii Soomaaliya. Wuxuuna si dhow ula shaqeyn jiray raggii ajaaniibta ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa, sida Fazul Cabdalla, Saalax Nabhaan iyo Al-Mansuur Al-Imriiki oo dhammaanbtood lagu dilay Soomaaliya.

Khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Godane wuxuu ka bilowday warqad uu u diray Ayman Al-zawaahiri oo uu ku dhalleeceynayay hoggaanka Godane. Arrinta warqaddaas waxaa baahiyay bogagga Al-Shabaab ka hor intii aan la dilin Ibrahim Al-Afghani.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post