351 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xero lagu tababarayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Dalka Ereteriya jooga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xero lagu tababarayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Dalka Ereteriya jooga
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada. 

Madaxweyne Xasan ayaa horey u sheegay in la iibsaday, dagaal Shisheeye la gashay, balse maanta ayuu la kulmay iyagoo u diyaar garoobaya dib u laabashada dalkooda, dhameystayna tababaro sare.

Waa cutubkii ugu horeeyey tan iyo qaranjabkii Soomaaliya, ee ciidanka cirka oo si casri ah loo tababaray, kuna soo laabanaya Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post