903 Views

Villa Somaliya oo iska fogaysay Eeda uga timid Midowga musharixiinta

Villa Somaliya oo iska fogaysay Eeda uga timid Midowga musharixiinta
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Shalay ayay ahayd Markii  Midowga  musharixiinta ay ku eedeeyeen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday in uu Caqabad ku yahay heshiiskkii dhex maray Xukuumada iyo Musharixiinta, waxaa arintaas ka jawaabay afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda.

“Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxa uu sheegay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post