1002 Views

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 06 2020—Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare oo ay sanadkaan qaaday Wasaaradda,waxaana imtixaanka sanadkaan u fariistay  ku dhawaad 34 Kun oo Arday.

Ardayda Imtixaanka laga qaaday ayaa ku kala sugan degaannada Dowlad Goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug, iyada oo sanadkii labaad oo xiriir ah Ardayda degaannada Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanka.

Munaasabad lagu shaaciyay Imtixaanka ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho taas oo ay ka qeyb-galeen siihayaha xilka Wasaaradda waxbarashada iyo Xubnaha kale ee Wasaaradda, waxaana munaasabadda laga shaaciyay Magacyada 100-ka Arday ee ugu dhibcaha badnaa Imtixaanka sanadkaan.

Tirada rasmiga ah ee Imtixaanka sanadkaan gashay waa 33, 727 waxaa baasay 25, 177 halka ay dhaceen 8,550 oo isugu jira 5,231 oo Wiilal ah iyo 3,319 Gabdho ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post